Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Xiisada colaadeed ee qowmiyadaha Amxaarada iyo Cafarta oo adag gaartay

Xiisada colaadeed ee qowmiyadaha Amxaarada iyo Cafarta oo adag gaartay

Madal Furan – Wararka laga helayo gudaha dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ay korortay xiisada colaadeed ee u dhexeysa qowmiyadaha Amxaarada iyo Cafarta, iyadoo lagu soo waramayo in xadka u dhexeeya Labada qowmiyadood ee gudaha dalka Itoobiya ay dagaalo ka dhaceen 24kii saac ee la soo dhaafay.

Iyadoo ay dagaaladu u socdeen si goosgoos ah ayaa iminka la soo sheegayaa in kooxo hubeysan oo ka soo jeeda qowmiyada Amxaaradu ay weerar ka geysteen tuulo lagu magacaabo Own oo ku taal xuduuda Labada qowmiyadood ay wadaagaan.

Weerarkaas ayaa dableyda Amxaaradu ka geysteen laga soo sheegayaa inay ku laayeen dad fara badan isla markaasna ay ku gubeen Masaajidkii tuulada ay iska lahaayeen dadka ka soo jeeda qowmiyada Cafarta.

Weeraryahano ka soo jeeda qowmiyada Cafarta ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay qaadeen duulaan aargoosi ah, isla markaasna ay dileen dad shacab ah oo ka soo jeeda qowmiyada Amxaaradda, isla markaasna ay gubeen guryo dhowr ah, ayna boobeen hanti fara badan

Wararka laga helayo halkaas oo aad xogteedu u hooseyso ayaa ka dayrinaya colaada Labada qowmiyadood ku dhex maraya soohdinta Labada Gobol ee ay ka degan yihiin .halkaas.

Colaada Labadan qowmiyadood u dhexeysa ayaa loo tirinayaa inay hurinayaan dad siyaasiyiin ah oo ka soo horjeeda isbedelada uu dhowaan ka hirgeliyey waddanka Itoobiya Raysal Wasaare Abiy.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *