Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay heshiisyadii Labada dal horay u dhexmaray fulintooda

Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay heshiisyadii Labada dal horay u dhexmaray fulintooda

Tookiyo(Madal Furan)  –  Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Salaad Xasan ayaa kula kulmay Magaalada Tokyo ee caasimadda Japan mas’uuliyiinta sare ee Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ee Japan “JICA”, isaga oo kala hadlay iskaashiga laba geesoodka si loo gaaro guullo wax ku ool ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyada oo loo marayo dib u taabagelinta heshiisyadii hore ee labada dal ay u kala saxiixdeen si loo sii ambaqaado wax wadaagga iskaashiga istiraatiijiga leh ee qaadaya tubta cusub.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS qoraal ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso shirkadaha Japan, waxa ayna siinaysaa fursado ay ku maalgeshtaan dhinacyo badan oo u adeegaya danaha wadaagga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.