Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Su’aal ka taagan Wadooyin la xiray Muqdisho iyo ciidamadii xasilinta oo dib loo soo celiyey

Su’aal ka taagan Wadooyin la xiray Muqdisho iyo ciidamadii xasilinta oo dib loo soo celiyey

Muqdisho (Madal Furan) – Waxaa magaalada Muqdisho dadka ku nooli ku soo waaberiisteen iyadoo ay xiran yihiin  jidadka waaweyn ee muhiimka u ah isu socodka dadweynaha.

Wadooyinka la xiray ayaa la soo sheegayaa inay ka mid yihiin kuwa mara Ceel Gaabta, daljirka, Isgoyska Jubba, 21-ka Oktober, iyo kuwo kale oo muhiim u ah dadweynaha iyo gaadiidka shacabka.

Amniga magaaladda Muqdisho ayaa horay loogu wareejiyey ciidamadda Booliska, waxaase saaka wadooyinka xiran lagu arkay ciidamadii xasilinta ee horay magaaladda looga saaray, kuwaasoo ku lebisnaa dharkii ay caanka ku ahaayeen.

Ciidamada amniga ayaa sheegaya in lagu amray inay xiraan wadooyinkaas, iyadoo aysan waxba ka sheegi Karin ujeedada ka danbeysa iyo qorshaha laga leeyahay.

Waxaa magaaladda Muqdisho ka socda arrimo la xiriira baaritaano lagu wado goobo laga shakisan yahay, sidaasna loo maleynayo inay ka danbeysay xiritaanka wadooyinkaas.

Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa saaka hadal haya sababta loo xiray jidadkii uu amray Madaxweyne Farmaajo in la furo iyo weliba sababta dib loogu soo celiyey ciidamadii xasilinta ee horay amniga magaalada looga qaaday.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.