Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Xadka Rafax oo maanta loo furayo xujayda soo xajisay & Falastiiniyiinta ku socda Gasa.

Xadka Rafax oo maanta loo furayo xujayda soo xajisay & Falastiiniyiinta ku socda Gasa.

Muqdisho(Madal Furan) – Dadka socotada ah ee ka imaanaya Masar,isla markaana ku jeeda Marinka Gaza ,ayaa maanta lagu wadaa in loo furo xadka,sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta xadka kala qeybiya  falastiin iyo Masar .

Xadka  Rafah ee dhinaca Masar waa daaqadda  kaliya ee u furan dadka reer Falastiin ee ku hoos nool  xayiraadda ama gumaysiga Isra’iil, halka lix albaab oo kale ay gacanta ku hayaan ciidamada Yuhuudda.

Hadal ay sii daayeen Mdaxda Gaza,ayaa sheeegay in maamulka Masar ay maanta sii daynayaan dadka reer Falastiin ee ka soo laabanaya Xajka,kuna socda Marinka daanta galbeed iyo muwaadiniinta kale ee imaanaya.

Madaxada Masar illaa hadda ma shaacin in  ay furayaan albaabka xadka ay la wadagaan Gasa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *