Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Uhuru Oo u duulay Mareykanka, lana kulmaya Trump

Uhuru Oo u duulay Mareykanka, lana kulmaya Trump

Madal Furan – Uhuru Kenyatta, madaxweynaha wadanka Kenya ayaa u duulay Mareykanka habeenimadii Sabtida.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa caasimadda Washington kula kulmi doona dhiggiisa Mareykanka Donald Trump taariikhdu marka ay tahay 27-ka Agoosto.

Diyaaraddii sidey madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa ka duushay gegida diyaaradaha caalamiga ah ee JKIA wax yar saq barkii kadib.

Ku xigeenka madaxweynaha dalka mudane William Ruto iyo taliyaha ciidammda difaaca dalka jeneraal Samson Mwathethe ayaa hormuud ka ahaa wefdigii sagootinayey madaxweynaha dalka.

Inta ay socoto booqashada Uhuru ee Mareykanka ayaa waxaa madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa aqalka cad kadib casuumaad uu u fidiyey madaxweynaha Mareykanka isaga oo halkaasi wadahadallo uga furmi doonaan halkaasi. Wadahadallada ayaa taaban doonaa dhinacyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo amniga gobolka.

Sanadihii la soo dhaafay oo dhan, Kenya ayaa waxa ay aheyd wadan bahwadaag la ah dalka Mareykanka iyadoo labada wadan ay iska kaashadeen maamulka dhanka amniga iyo nabadgelyada gobolkani Bariga Afrika oo kulaala dalalka Harada weyn ilaa geeska Africa, iyadoo dalku uu si qoto dheer isag xilsaaray soo celinta amniga iyo xasilloonida wadanka Koonfurta Suudaan.

Dhanka wadanka Soomaaliya, ciidammda qalabka sida ayaa ku lug leh dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyadoo ciidammadu hoos tagaan howlgalka weyn ee AMISOM.

Intaasi ka sokow, madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Donanld Trump ayaa ka doodi doona siyaabaha loo xoojin karo xiriirka sii baraaraya ee ka dhexeeya Kenya iyo Mareykanka.
Kenya iyo Mareykanka ayaa wadaaga dano labo geesood ah kuwaasi oo dhanka dimuqraadiyaddu ay ka mid tahay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *