Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Gabadhii u horeysay ee loo xiro darajada Sarreeye Guuto.

Gabadhii u horeysay ee loo xiro darajada Sarreeye Guuto.

Muqdisho (Madal Furan) Sakiya Xuseen Axmed oo dhowaan loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka wakiil ah Madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamed C/llaahi Farmaajo u xiray darajada Sareeye Guuto.

Sakiya ayaa noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee gaarta darajada Sareeye Guuto.

“Qaran quulaysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada kamid ah xuquuqdeeda la siinin. Haddii gabdhaha Soomaaliyeed ay bulshada ka yihiin boqolkiiba konton oo aan duudsiinno xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah”, ayuu yiri ra’iisul wasare Xasan Cali Khayre.

“Gabar walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda”, ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale darajooyin u xiray saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed oo tababarro ku qaatay gudaha iyo dibadda dalka si ay qayb uga qaataan dardar gelinta dadaallada adkaynta amniga dalka.

Madaxwayne Farmaajo ayaa 16kii bishan Agosto waxaa uu darajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Zakiya Xuseen Axmed una magacaabay taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed, iyada oo noqotay gabadhii ee ugu horreysay ee derejadaas ka gaarta ciidamada ammaanka dalka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *