Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > ONLF oo taageeray Madaxweynaha cusub ee Soomaalida

ONLF oo taageeray Madaxweynaha cusub ee Soomaalida

Addis Ababa (Madal Furan) Ururka ONLF ayaa si buuxda u taageeray Madaxweynaha cusub ee dhowaan loo magacaabay Gobolka Soomaalida Mustafe Cumar, waxayna warkan soo saareen kadib markii ay maanta magaaladda Addis Ababa ku yeesheen kulan.

Kulankaas ayaa waxaa dhinaca Jabhadda ONLF uga qayb galay Xuseen Maxamed Nuur oo ka tirsan Golaha Dhexe ee ONLF iyo Laba masuul oo kale, waxayna ka wada hadleen sidii loo mideyn lahaa dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan goboladda ay Soomaalidu degto, in nabad lagu xaliyo khilaafka Soomaalida iyo dadka Oromada ah dhex yaal iyo sidii loo mideyn lahaa Jabhadda, Maamulka iyo shacabka.

Wadahadalkii u dhexeeyey Jabhadda ONLF iyo dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa la filayaa in toddobaadka soo socda uu bilaaban doono.

Halkan ka dhegeyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *