Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Siyaasi reer Jubbaland ah oo ka digay mudo kororsi maamulka Axmed Madoobe

Siyaasi reer Jubbaland ah oo ka digay mudo kororsi maamulka Axmed Madoobe

Kismaayo (Mudal Furan) – Afhayeenkii hore ee Maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar ayaa sheegay ku eedeeyay Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe inuu wado caburin iyo dhibaatooyin uu u geysanayo dadka ku nool magaalada Kismaayo.

C/naasir Seeraar ayaa sheegay inuu mugdi galay hamigii ay hiigsanayeen dadka reer Jubbaland, isagoo xusay in sharciyadii uu ku dhisnaa Jubbaland la hareer maray.

Waxaa uu sheegay inay tuhun ka qabaan in muddo kororsi ay sameeyaan Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, waxaana uu caddeeyay in aanay weli kala caddeyn xilliga la qabanayo doorashooyinka iyo sharciyadii guddiyada qaban lahaa.

“Waxaa tuhun ka qabnaa in Baarlamaanka iyo Xukuumadda inay muddo kororsi sameeyaan, waxyaabaha taas caddeynta u ah waxaa ka mid ah, in aan la sheegin waqtiga doorashada dhaceyso iyo guddiyadii farsamo oo doorashooyinka oo aan la dhisin”ayuu yiri C/naasir Seeraar.

C/naasir Seeraar ayaa ka mid ahaa xubnihii la soo jabhadeeyay Axmed Madoobe, isla markaana aad ugu dhowaa, hase ahaatee waxaa soo kala dhex galay khilaaf sababay inuu banaanka ka istaago nidaamka Axmed Madoobe hoggaaminayo.

Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku soo fool leh doorasho la filayo inay sanadka soo socda dhacdo, waxaana cabsi badan ka qabaan siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanadaas in doorasho dhici weydo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *