Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > SAWIRO:- Al-Shabaab oo soo bandhigay hub ay sanad ka hor ku qabsadeen Bariire

SAWIRO:- Al-Shabaab oo soo bandhigay hub ay sanad ka hor ku qabsadeen Bariire

Madal Furan – Bishii Ogoosto ee sanadkii 2017kii ayaa ururka Al-shabaab waxay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Milateriga Soomaaliya ku lahaayeen duleedka Bariire ee Gobolka Sh/hoose.

Haddaba, xiligan ayaa Garabka Warbaahinta  ee ururka Al-Shabaab ee loo yaqaano Alkataa’ib ay soo bandhigeen sawiro laga diyaariyay weerarkii halkaas ka dhacay oo ururka Al-shabaab ay ku qabsadeen hub iyo gaadiid fara badan oo ay horay u lahaayeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Weerarka Bariire ayaa ka mid ahaa weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee Ciidamada dowladda ka soo gaaray sanadkii hore, iyadoo looga qabsaday hub fara badan.

Muuqaalka ay soo bandhigtay Al-Shabaab oo soconayay illaa 34 daqiiqo ayaa waxaa gaadiidka dagaalka ciidamada ee loo yaqaano Cabdibile oo ku buufsanaa calaamada ciidanka xoogga dal, gaari ambulance oo kuwa ciidamada ah, gaadiidka xamuulka iyo saanado hub.

Weerarka Al-Shabaab ku qaaday Bariire ayaa waxaa lagu bilaabay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay nin naftii hure ahaa oo gaariga ku qarxiyay afaafka hore ee Xerada.

Halkan ka daawo sawirada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *