Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Xabsiyada Itoobiya oo dib loogu xiray 170 qof oo nabadda mucaarad ku noqday

Xabsiyada Itoobiya oo dib loogu xiray 170 qof oo nabadda mucaarad ku noqday

Addis Ababa (Madal Furan) – Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Xukuumadda Raysal Wasaare Abiy Ahmed ay xabsiga u taxaabeen tiro ka badan 170 qof oo lagu eedeeyey inay gacan ka geysanayaan hurinta colaadda qowmiyadaha Soomaaliya iyo Itoobiyaa.

Saraakiisha Booliska ayaa dadka la qabqabtay looga shakiyey dhowr denbi oo ay ka mid yihiin dhiiri gelinta rabshadaha, dhul boobka, bililiqada iyo weerarada jinsiga ku saleysan.

Si dhab ah looma shaacin qowmiyadaha ay ka soo kala jeedaan dadka la xirxiray, balse waxaa loo badinayaa inay yihiin Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida oo mudooyinkii u danbeeyey ay ka dhex aloosneyd colaad sababaty inay dhintaan dad fara badan.

Hayadaha u dooda xaquuqul insaanka Qaramada Midoobay ayaa ku doodaya in tiro ku dhow 800,Kun ay ka bara kaceen dhulkii ay rabshaduhu ku dhex mareen Oromada iyo Soomaalida.

Raysal Wasaare Abiy Ahmed ayaa markii uu xilka la wareegay ay sii xoogsatay xiisadii colaadeed ee u dhexeysay Soomaalida iyo Oromarada, waxaana arrinta sii murgiyey kadib markii magaalada Jigjiga ay Xukuumadda Abiy gelisay ciidamo aad u hubeysan oo ka socda Dowladda Federaalka, waxaana ay arrintaasi sii kordhisay khasaaraha naf iyo maal oo ay sabeen rabshado ay isaga soo horjeedeen Soomaalida iyo Oramada.

Xaaladda guud ee dhulkii dagaaladu ka dhaceen ayaa iminka lagu soo waramayaa inay degan yihiin, isla markaasna ay dowladdu ugaarsaneyso dadka ay u aragto inay sii hurinayaan xiisadaha ka dhex jira qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida, talaabadaasoo iminka dhalisay in xabsiyada dalkaas mar kale lagu xiro maxaabiistii u badneyd wixii ka danbeeyey markii dhowaan la faarujiyey maxaabiistii mudada dheer ku xirneyd dhowr xabsi oo ku yaal dalka Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *