Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Dagaalka dekeddaha oo ka hadliyey dowladda Jabuuti

Dagaalka dekeddaha oo ka hadliyey dowladda Jabuuti

Jabuuti (Madal Furan) – Agaasimaha dekedaha dalka Jabuuti Xasan Cumar Waaberi ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda dekeddaha dalkiisa wuxuuna sheegay in dekedaheedu ay  ku filan yihiin haqab tirka baahida dalka Itoobiya ee ay deriska yihiin isla markaasna aan laheyn wax bad ah.

Agaasimaha oo waraysi siiyey Wargeyska Ethiopian Herald eek a soo baxa magaaladda Addis Ababa ayaa sheegay in dekedaha dalka Jabuuti ay ka mid yihiin kuwa casriga ah ee dunida isla markaasna ay haqab-tiri iyo adeeeeeg hufan oo casri ah u sameyn karaan badeecadaha dalka Itoobiya dejin iyo dhoofinba (Import and export)

“Dekedaha Jabuti waxa ay awoodaan in 50 malyan oo ton oo xamuul ah sanad walba laga dhoofiyo lagana soo dejiyo iyadoo baahida dalka Itoobiyana ay tahay 18.5 malyan oo tan.”ayuu yiri Waberi oo u waramayay wargeyska Ethiopian Herald.

Balse madaxda dekedaha dalka Jabuti ayaa qiray in uu cariiri ka jiro dekedaha dalkiisa balse waxa uu ku macneeyay inay  sabab u tahay iyadoo hal mar ay maraakiib badan ku soo xirtaan.

“Xitaa dekeda Rotterdam oo ah dekeda ugu weyn qaarada Yurub waxa ay mararka qaar noqotaa mid cariiri ah haddii ay hal mar ku soo burqadaan maraakiib badan,dekedaheenuna xilliyada ay maraakiib xamuul badan u sidaan dalka Ethiopia waxa ay noqon karaan cariiri balse waa waqti kooban.”ayuu sii raaciyay.

Warkan ka soo yeeray mas’uulka ugu sareeya dalka jabuuti  dhinaca dekedaha oo ah halka kaliya oo daqli badan ka soo galo xukuumada Jabuuti ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowlada cusub ee dalka Itoobiya laga dareemayo inaysan ku qanacsanayn ku xirnaanta dekedaha Jabuti oo kaliya ayna raadineyso dalal kale oo ay wax ka dhoofsan karaan kalana soo degi karaan.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka sheegay caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho inay maalgelin doonaan illaa afar dekedood oo kamid ah dekedaha Soomaaliya.

Sidoo kale Abiy ayaa heshiis deg-deg ah la saxiixday dowlada Eritrea oo colaad u dhexeysay waxaana muuqata in ujeedada ugu weyn ay tahay in ay isticmaalaan dekeda Casmara.

Dalalka ku yaal geeska Afrika ayaa u muuqda hadda mid ay galayaan tartan dhinaca dekedaha ah si dalka Itoobiya oo aan deked lahayn loo soo jiito.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *