Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Laba wiil oo walaalo ah oo xalay lagu dilay magaaladda Muqdisho

Laba wiil oo walaalo ah oo xalay lagu dilay magaaladda Muqdisho

Muqdisho (Madal Furan) – Laba wiil oo walaalo ah ayaa geeriyooday kadib markii Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Dharkeenley toogasho ugu geysteen.

Labada wiil ee walaalaha ah ayaa la soo sheegay in kooxaha hubeysani ay jidka u galeen xili ay ku fool lahaayeen gurigooda oo ay doonayeen inay u hoydaan.

Wiilasha walaalaha ah ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Saneey iyo Xuseen Faarax, waxaana mid ka mid ahi uu ka tirsanaa ciidamadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in wiilka askariga ahaa uu ku jiray fasaxa maalmaha Ciida, isagoo qoyskiisa la qaadanayay farxada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa gaaray halka dilka ka dhacay, waxaana goobta ka soo qaadeen meydadka labada wiil oo la geeyay xarunta dambi baarista.

Madal Furan.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *