Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Isbuurasho ka dhacday Xajka oo Xujey Soomaaliyeed ku dhinteen (Akhri Magacyada)

Isbuurasho ka dhacday Xajka oo Xujey Soomaaliyeed ku dhinteen (Akhri Magacyada)

Makah (Madal Furan) – Laba nin oo ka tirsan Xujeyda Soomaalida ee soo gudatay acmaashii Xajka ayaa Allaha u naxariistee waxay ku geeriyoodeen isbuurasho ka dhacday Mina, waxaa halkaas ku geeriyooday Xujey kale oo ka soo kala jeeda waddamo badan.

Labada Xaaji ee geeriyooday ayaa macagyadooda waxaa lagu sheegay Xaaji Axmed Maxamed Saalax iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale, waxayna ku geeriyoodeen isbuurashada ka dhacday xiligii ay ku sugnaayeen Mina.

Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa inay jiraan Xujey Soomaaliyeed oo isbuurashada halkaas ka dhacday ay kala kulmeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhaawacyo iyo neefqabatin.

Maha aha markii ugu horeysay ee ay Xujeydu dhintaan inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka, waxaana sanad walba dowladu Sacuudigu ay sameysaa dhismayaal iyo qaabab cusub oo looga hortegi karo in ay Xajka gudihiisa ka dhacdo ciriir iyo is buurasho sababi karta inay dhintaan dadka Xajka u tegay inay Alle Denbidhaaf weydiistaan.

Laba Xaaji ayaa Meydkooda ay dowladda Sacuudi Carabiya sheegtay inay ku sii hayn doonaan qaboojiyayaal inta lagu gudajiro gudaashada acmaasha Xajka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.