Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay 2 kamid ah ururka Alshabaab

Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay 2 kamid ah ururka Alshabaab

Muqdisho (Madal Furan) –War ka soo baxay Taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar lala beegsaday Alshabaab, weerarkaasoo ay sheegeen inuu khasaare ka dhashay.

Weerarkan xagga cirka ah oo laga fuliyay meel qiyaas ahaan 46-KM dhanka Waqooyi Bari kaga began magaalada Kismaayo ayaa Mareykanka sheegey in lagu dilay Labo ka mid ah ururka Al-shabaab Alshabaab.

Mareykanka ma uusan sheegin shaqsiyaadka la bar-tilmaameedsaday iyo dadka la dilay,waxaana lagu soo koobay warkooda in 2 kamid ah xagjirka in lagu dilay duqeyntaasi ay ka fuliyeen duleedka Kismaayo.

Dowladda Mareykanka ayaa sii kordhisay weerarad lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha Alshabaab,  iyagoo kaashanaya ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *