Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > SAWIRO:- Ururka Al-shabaab oo durba gacanta ku dhigay direyska cusub ee ciidamada loo qaybiyey

SAWIRO:- Ururka Al-shabaab oo durba gacanta ku dhigay direyska cusub ee ciidamada loo qaybiyey

Muqdisho (Madal Furan) – Wararka ka imaanya magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in ururka Al-shabaab ay durba gacanta ku dhigeen direyskii ugu danbeeyey ee loo qaybbiyey ciidanka Guutada 14-ka Oktoobar.

Waxaa lagu arkay goob fagaare ah oo ka tirsan degmada Jilib iyagoo xiran dhireyska loo qaybiyey ciidamada Qaranka oo ay xiran yihiin Saraakiil iyo dagaalyahano katirsan ururka Al Shabaab .

Arrintan ayaa waxay dhabar jab ku noqotay Saraakiisha ciidamada Guutada 14-ka Oktoobar iyadoo ilaa iminka la garan la’yahay qaabka ay u heleen Al-shaabku direyskii ugu danbeeyey ee loo qaybiyo ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya

Waxaa dhinaca kale ay ururka Al-shabaab shalay goob fagaare ah ku soo bandhigeen gaadiid dagaal iyo hub fara badan oo ay sheegeen inay ka soo qabsadeen ciidamada kala duwan ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya.

Direyskan ayaa dhowaan loo qaybiyey ciidamo dhowaan la aasaasay, waxaana jira shaki badan oo ka imaanaya in tiro ka mid ah ciidamadaasi ay xiriir dhow la leeyihiin ururka Al-shabaab, sidaasna ay ugu suurta gashay inay si fudud u helaan dharka ciidamadaas.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *