Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > DAAWO:- Sarkaal ka Tirsan Puntland oo eedeeymo la xiriira Muqsuqmaasuq iyo tacadiyo u tiriyey ciidamadii uu ka tirsanaa ee PSF

DAAWO:- Sarkaal ka Tirsan Puntland oo eedeeymo la xiriira Muqsuqmaasuq iyo tacadiyo u tiriyey ciidamadii uu ka tirsanaa ee PSF

Garoowe (Madal Furan) – Gaashaanlee Maxamed Maxamuud Salaad oo ka mid ahaa ciidamada PSF ee Puntland ayaa muuqaal uu iska soo duubay ku muujiyey dhibaatadda uu kala kulmay mudadii uu ka tirsanaa ciidamadaas.

Sarkaalkan ayaa eedeymo kulul u soo jeediyey maamulka ciidamada PSF, wuxuuna muujiyey in dagaaladii ay ururka Al-shabaab kula galeen buuraleyda Galgal uu ku waayey mid lugihiisa ka mid ah.

“Waxaan ku soo dhaawacmay buuraleyda Galgala, 2015, bishii Koowaad, subaxnimo Jimce ah, waxaan waayey lugteyda Midig, maantana waxaan Mediyaha u soo fariistay in aan caddeeyo wax badan oo waddanka ka jira, ama ciidanka PSF ka jira, ama maamulkaas qabyaalad ku saleysan ka jira, adduunkuna ka aaminsan yahay wax kale” ayuu yiri Gaashaanle Maxamed Maxamuud.

Gaashaanlaha ayaa si qoto dheer wuxuu uga hadlay wax uu ku tilmaamay tacadiyo iyo musuqmaasuq ka dhex jira maamulka ciidamadaas gudihiisa.

Halka Ka Daawo.

xigasho Garooweonlice

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *