Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Kornel. Caare oo jabhad Somaliland mucaarad ku ah gabaad uga helay Puntland”Waxaan suurinayaa cadaalad darrada iyo dulmiga ka jira Somaliland”

Kornel. Caare oo jabhad Somaliland mucaarad ku ah gabaad uga helay Puntland”Waxaan suurinayaa cadaalad darrada iyo dulmiga ka jira Somaliland”

Korneyl ka tirsan ciidamadda Somaliland oo bilihii la soo dhaafay ku jiray duurka ayaa iminka waxaa u suurta gashay inuu saldhig ka helo deegaanka degmada Qardho ee gobolka Karkaar ee Putland, halkaasoo uu daneynayo inuu ka jaabhadeeyo.

Col. Caare ayaa haaalgankiisa ku tilmaamay mid uu kula dagaalamayo wax uu ugu yeeray dulmiga ka jira Somaliland gudaheeda.

“Ilaa iminka Somaliland ayaan ahay waxaana ka dagaalamayaa dulmiga xukuumadda Muuse Biixi” ayuu yiri Korneylku xili uu war-saxaafadeed ku qabtay degsiimada laga siiyey gudaha Puntland.

Col. Caare ayaa halgankiisu ku wajahn yahay degmada Ceerigaabo halkaasoo ay ku nool yihiin beesha uu ku abtirsado, kuwaasoo si weyn u saluugsan wax ay ugu yeereen Maamulka Jeegaanta, waxayna tuhun weyn ka muujiyeen sida loo musuqmaasuqay doorashadii dhowaan ka dhacday gudaha Somaliland oo ay rumeysan yihiin in Xisbiga Kulmiye uu gacan bidixeeyey.

Halkan ka daawo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.