Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Halkee ayuu ku dambeyn doonaa la dagaalanka musuqmaasuqa ee dowladda Soomaaliya?

Halkee ayuu ku dambeyn doonaa la dagaalanka musuqmaasuqa ee dowladda Soomaaliya?

Madal Furan – Waxaa sii karaar qaadanaya la dagaalanka ‘musuqmaasuqa ‘ ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, iyada oo ay sii kordhayaan dadka loo xirayo eedeymo musuqmaasuq.

Wixii ugu dambeeyay ee dhacay waxa ay ahaayeen in shalay xabsiga loo taxaabay illaa 10 mas’uul oo ka hawlgalayay laanta canshuuraha furdada ee dekada weyn ee Muqdisho, lana magacaabay agaasime kumeel gaar ah oo qaabilsan canshuurdaha furdada.

Sideey ku bilaabaatay arrintan?

La dagaalanka musuqmaasuqa waxa uu markasta qeyb ka ahaa qorshaha dowlad kasta oo timaado, balse waa markii koowaad oo dad xilka looga qaaday, dacwadna lagu soo oogay sababo la xiriira qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa.

Weli ma jirto cid ay maxkamaddi ku xukuntay in lagu heley hawlo musuqmaasuq, waxaana weli socota baarista lagu hayo dadka la tuhunsanyahay, sidaas darted illaa ay ‘maxkamad xukunto, dadka la xirey waxaa loo filan karaa in ay dambi la’aan yihiin’ sida uu qabo caalamiga ah iyo kan Soomaaliyaba.

Hase yeeshee xaqiiqda ah in dowladda tallaabo u qaadan dhanka la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa ah arrin ugub oo soo korortay, keentayna hadal haynta ugu badan ee bulshada dhexdeeda

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilihii lasoo dhaafay meelo kale duwan oo fagaare dadweyne ah ka sheegey sida ay uga go’antahay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo isla xisaabtanka, “Waxa aan maanta ka hadlayno waa isla xisaabtan, haddii aanan musuqmaasuqa lala dagaalamin hormar gaari mayno, Alshabaab kama adkaan karno, Caddaalad heli mayno, dumarka Soomaaliyeed xaqooda heli maayaan, dhallinyarada xooqooda heli maayaan haddii aanan musuqa lala dagaalamin, haddii aanan musuqa lala dagaalamin ammaanada ay ganacsatada canshuurta ku bixiso heli mayno, hadafyadii waaweynaa ee ay adduunyada noogu soo jeedsatay gaari mayno” ayuu yiri Kheyre oo mar sii horeysay meel fagaaro ah ka hadlay.

Balse weli ma kala cadda halka laga bilaabayo la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo illaa heerka uu soconayo.

Sida laga soo xigtay Hanti Dhawraha guud Maxamed Maxamuud Cali Afgooye, baaritaanka musuqmaasuqa waxa uu gaari doonaa illaa heerka ugu sareeya ee dowladda, wuxuuna yiri ” Sidoo kale waxa idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda”.

Dadka qaar ayaase su’aal ka qaba illaa heerka madaxbanaanida hanti dhawrka guud, iyo sida loo kala sooci karo waxa ku saabsan xurgufta siyaasadeed iyo la dagaalanka musuqa ah ee dhabta ah.

Falanqeeye xagga dhaqaalaha ah Cabdixaliim Ibraahim Xasan oo BBC-da la hadlay mar sii horeysay “Siyaasadaha dhaqaale ee ay dowladda federaalka la timaado markasta caqabada ugu weyn ee soo foodsaarto waxa ay tahay, marka ay noqoto hirgalinteeda, dadkii loo igmaday ayaa ka jiifta, ama caqabada waxa ay ka timaadaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda”.

Dowladda xirxiraysaa hawlwadeenada dowladda ee lagu tuhmay musuqa, sida uu sheegayo Hanti Dhawraha Guud “Xafiiskeyga howlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xiran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha Dowladda oo arrimo Musuqmaasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena wa ku daba jirnaa”. Hadalkan waxa uu Maxamed Afgooye u sheegay wakaaladda wararka ee SONNA.

Dadka la xirey ama xilka laga qaaday waxaa ka mid ah xubno ka tirsan xukuumadda federaalka iyo agaasimeyaal, tirada dadkana waxa ay kusii dhawaanaysaa illaa 20 qof oo xilal kala duwan hayay.

Balse taas waa dhibic bad ku dhacday, sida ay qabto hay’adda Transparency Internaional oo qiimeyn ku samaysan heerarka kala duwan ee musqa ay ka joogaan dalalka adduunka, Soomaaliya markasta liiska waa tan ugu hooseysa, waxaa lagu sheegay in ay tahay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka.

Dhacdooyinka is daba joogga ah

Dhacdooyinka arrintan la xiriira waxa ay ku socdaan si xawli ah, waxaanaa maalmihii lasoo dhaafay dhacayay waxyaabo is daba-joog ah.

Waxaase ugu xiisaha badan in hawsha la dagaalanka musuqmaasuqa uu faraha soo galiyay guddiga maaliyadda ee baarlamaanka federaalka, kaas oo kulan uu la yeeshay hanti dhawraha guud Maxamed Maxamuud Afgooye kaga dhagaystay warbixin ku saabsan halka ay wax marayaan.

Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee SONNA, guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Maxamed Aadan Macalin ayaa yiri ” Aad baa u bogaadinaya howsha wanaagsan ee ka socota xafiiska hanta dhowraha, guddiga maaliyadda waxa uu balan qaadaya inuu la shaqeynayo hanta dhowraha si loo ciribtiro musuq maasuqa, sidoo kale sharciga hanta dhowraha wa ka shaqeyneynaa wixii talooyin ah wa ku biirineynaa”.

Tani waxa ay muujinaysaa saansaan ah in hay’adaha kala duwan ee dowladda ee ay arrimahan quseysaayaan in ay ka wada shaqaynayaan, waxaana ku wada lug leh xafiiska hanti dhawrka guud, xeer illaalinta, iyo booliiska qeybtiisa baaritaanada ee CIA-da, halkaas oo ah meesha ay yaalaan galalka dacwadda.

Maxay dowladda ka faa’iidey?

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo mar sii horeysay BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ujeeddada ugu muhiimsan ay tahay in lasoo celiyo kalsoonidii shacabka ee ay canshuuraha bixiya iyo beesha caalamka oo deeqaha bixiya, deymahana qafiifiya, wuxuuna yiri “Intaa waxaan ka shaqaynayno waxay yihiin in adduunka na aamino, waxaan ka hadlaynana ay run noqoto, waxay naga caawinaysaa in wixii xun oo dhan aanan kaalinta koowaad kaga jirin, wixii wanaagsana aanan ugu hooseynin”.

Warbixin uu dhawaan soo saaray Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqa.

Bangiga waxa uu sheegay in xisaabka dowladda ay muujinayaan in boqolkiiba 5% illaa 7% uu kordhay dakhliga gudaha. “Joogtaynta uruurinta canshuuraha gudaha ayaa muhiim weyn u ah in dowladda ay meelmariso qorshaha dhaqaalaha qaran, dowladda Soomaaliya waxa ay ka shaqaynaysaa sidii ay u abuuri lahayd habraaca farsamo iyo sharci ee canshuuraha lagu uruurin lahaa si hufan” ayuu yiri Hugh Riddel oo bangiga u qaabilsan Soomaaliya sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Bangiga Adduunka.

Waxaa kale oo dhacday in dakhliga dowladda uu uu gaaray $43 milyan muddo saddex bilood ah gudahood, waxaana la sheegay in ay ugu wacantahay tallaabooyinka la xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqa.

Malaha faa’iidada ugu muhiimsan waxa ay noqon kartaa tan kalsoonida shacabka oo aysan hadda jirin hal-beeg la’isla ogyahay oo lagu qiyaasi karo, balse waxa ay wax kasta ku xirnaan doonaan sida dowladda usoo bandhigto caddeymo lagu qanci karo oo ka dhan ah dadka musuqa loo haysto, iyo sida dadkaas ku helaan maxkamaddeyn caddaalad iyo hufnaan ku salaysan, taas oo warbaahinta loo ogolaado dhagaysigeeda.

Source BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *