Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Akhriso: Dr. Gaas oo iclaamiyey shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada , iyo sirta ka danbeysa

Akhriso: Dr. Gaas oo iclaamiyey shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada , iyo sirta ka danbeysa

Garoowe (Madal Furan) – Qoraal ka soo baxay Madaxweynaha DG Puntland Dr. c/weli Maxamed Cali Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shaaciyey in3-da  bisha September oo fooda inaga soo haysa uu dhici doono kulan ay isugu imaan doonaan Hogaamiyayaasha Maamuladda Goboladda ee ku mideysan Isbahaysigan.

Shirkan ayaa la filayaa inay ka soo qaybgeli doonaan Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed kuwaasoo intooda badan ay sii dhamaaneyso mudadii xil hayntooda isla markaasna ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin ka dhaca goboladooda.

Tallaabada kulankan looga gol leeyahay ayaa dad badani sheegayaan inay tahay mid ay ku doonayaan sidii ay Hogaamiyayaasha Goboladu isaga kaashan lahaayeen in maamuladooda ay gaarsiiyaan sanadka 2020ka isla markaasna ay ka qayb qaataan doorashadda COD & QOF ee la qorsheeyey inay Soomaaliya ka dhacdo.

Maamuladda Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya oo mudo bilo kooban ahi uga dhiman tahay xil-hayntooda ayaa wajahaya ololaha siyaasiyiinta durba soo qadimay musharaxnimadooda xilka Madaxweyne ee maamuladaas.

Dhinaca kale waa soo xoogeysanaya shakiga ay Hogaamiyayaasha maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay ka qabaan faragelin toos ah oo kaga imaan akrta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bilkihii la soo dhaafay la arkayey in xiriirkoodu uu sii xumaanayey.

Waxaa kaloo la rumeysan yahay in maamuladaasi ay doonayaan inay iska kaashaadaan xoojinta xiriirka ay la leeyihiin waddamo shisheeye si ay gacan uga siiyaan inay ku sii fadhiyaan talada maamul goboleedyada.

Arrintu siday doonto ha ahaatee, shirkan ayaa noqonaya kii 3aad ee Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadu ay yeeshaan, waxaana la dhowrayaa waxa ka soo bixi doona kulankooda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *