Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Ciidamo gadoodsan oo uu watay Gen. Caanood oo qarax lagula beegsaday magaaladda Marka

Ciidamo gadoodsan oo uu watay Gen. Caanood oo qarax lagula beegsaday magaaladda Marka

Muqdisho (Madal Furan) Wararka laga helayo Marko ee Caasimadda Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya inay jiraan qaraxyo xoog leh oo lala beegsaday ciidamo gaaray magaaladdaas oo uu hogaaminayey Abaanduulihii xilka laga qaaday ee ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya Jen. C/llaahi Cali Caanood.

Laba qarax oo xoog weyn oo mudo yari u dhexeysay ayaa laga maqlay magaaladda gudaheeda, iyadoo goobjoogayaal sheegeen in qaraxyadaasi ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamadii uu watay Jen. Caanood, kuwaasoo waday hawlo baaritaan oo ay ku sameynayeen goobo ay isaga baxeen dagaalyahanada ururka Al-shabaab oo horay magaalada gacanta gu hayey.

Ciidamada uu hoggaaminaayay Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood ay saaka waxay gudaha u galeen magaalada Marka, lamana sheegi karo weli khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay qaraxyada lala beegsaday.

Al-shabaab ayaa durba sheegtay qaraxyada lala beegsaday ciidamada Caanood uu wato, waxayna sheegeen inay dileen qaar ka tirsan ciidamadii saaka qabsaday magaaladda Kismaayo.

Saaka aroornimadii ayay aheyd markii ciidamo fara badan oo uu wato abaanduulihii xilka laga qaaday Jen. C/llaahi Cali Caanood ay gaareen magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/hoose iyagoo wata gaadiid dagaal oo 40 ka badan.

Labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa la sheegayaa in ciidamada uu hogaaminayo Jen. C/llaahi Cali Caanood ay ku sugnaayeen magaalada Shalanbood iyo agagaarkeeda, kadib markii ay degmada Afgooye ay ka guureen .

Illaa hadda la oga qorshaha ka danbeeya ciidamada uu Jen. C/llaahi Cali Caanood la galay magaaladda Marka iyadoo xil ka qaadis lagu sameeyey, balse arrintaasi waxay u muuqataa qaab Jabhadeyn ah oo Jen. Caanood uu kaga aarsanayo Madaxweyne Farmaajo.

Ilaa iminka ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca ciidamadda Milateriga oo ay kaga hadlayaan xaaladaha Jen. C/llaahi Cali Caanood  eek a soo cusboonaaday magaaladda Marka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *