Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Xildhibaan ka tirsanaa golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo iska casilay xubinnimadii Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaan ka tirsanaa golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo iska casilay xubinnimadii Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (Madal Furan) – Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka DFS oo lagu magacaabo C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa iska casilay xubintii Xildhibaanada, kaasoo horay looga soo doortay degmada Caddaado sanadkii 2016-kii

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey in Xildhibaan C/qaadir Gaafow uu iska casilay xubinmada Golaha Shacabka Soomaaliya

Lama yaqaan sababta uu xildhibaanku isu casilay balse Guddiga doorashada ayaa durba ku dhawaaqay inay bilaabayaan howsha soo buuxinta saddex kursi oo ka banaan Golaha Shacabka, kuwaasoo doorashadooda ka dhaceyso magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

C/qaadir Gaafow ayaa ka mid ahaa illaa sideed kursi oo la doortay sanadkii 2016, kuwaasoo doorashadooda sharciyadooda shaki la geliyay, waxaana Guddiga xalinta khilaafaadka ay soo saareen in dib loogu celiyo, iyadoo doorasho ku celis ah ku galay magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kursiga uu banneeyay Xildhibaan C/qaadir Gaafow uu isku sharaxi rabo walaalkiis Jen. C/llaahi Gaafow oo sanad ka hor laga qaaday Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Guddiga doorashooyinka ayaa dhowaan doorashada kursigan ku qaban doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *