Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > DAAWO Baarlamaanka Puntland oo shaaciyey inay shirkadda P&O waddanka ku joogto sifo sharci darro ah

DAAWO Baarlamaanka Puntland oo shaaciyey inay shirkadda P&O waddanka ku joogto sifo sharci darro ah

Garoowe (Madal Furan) – Baarlamaanka Puntland oo horay u ansixiyey heshiiska shirkadda P&O ee dekedda Boosaaso mudada 30ka sanadood ah uu maamulka Puntland heshiiska kula kala galay ayaa maanta qaylo dhaan ka keenay heshiiskaas.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa maanta saxaafadda la hadlay waxay sheegeen in shirkadda P&O ay sifo sharci darro ah dalka ku jogto, isla markaasna ay mooshin ka keeni doonaan sida ugu dhaqsaha badan.

Xildhibaanadda ayaa arrimihii ay ka hadleen waxaa ugu muhiimsanaa dhowr arrimood oo ay ka mid tahay inuu buray heshiiskii ay la galeen shirkadaas.

  1. In uu buray Heshiiskii Balaarinta dekeda Boosaaso, ka dib markii ay kasoo bixi weyday Shirkada P & O oo qeyb ka ah DP WORLD, oo dhigayay in dhismaha & Balaarinta dekedda Boosaaso ay 2 sanno gudahood ku dhameystirto laga bilaabo maalinta lagu wareejiyo, kuna maalgaliso 336$ oo Dollar.
  2. Ilaa hadda ma jirto wax qalab ah, Balaarin iyo dibu dayactir lagu sameeyey dekeda magaalada Boosaaso, heshiiskiina uu sii marayo sannad iyo dheeraad.
  3. Heshiiskan oo la galay 06dii April 2017-kii wuuxu ka socon waayay dhinaca shirkada P & O oo qeyb ka ah DP WORLD, sidda uu qoray Heshiisku.
  4. In aan waxba laga qaban dhamaan Qodobadii heshiiska oo dhan, Dekedda Boosasana ay maanta ciid buux-dhaafisay.

Halkan ka daawo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *