Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Sii Jiritaanka Itoobiya oo aad Looga Walaacsan Yahay iyo Abiye oo Xaald adag dhex kaga jira

Sii Jiritaanka Itoobiya oo aad Looga Walaacsan Yahay iyo Abiye oo Xaald adag dhex kaga jira

Madal Furan – Khilaaf la sheegay in uu ka dhashay saami’qeybsiga shidaalka Soomaali Galbeed (Ogaadeeniya) ee Jeexdin iyo Heelaale ayaa waxa uu galaaftay booskii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), ka dib markii uu maamulka Jigjiga ka biyo-diiday qoondada uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed sheegay in ay ku leeyihiin Soomaalidu oo ah boqolkiiba shan (5%). In kasta oo uu dib ka beeniyay isaga oo warbaahinta Itoobiya u sheegayana dhahay, “Waa war ku tiri’kuteen ah oo dadka lagu kicinayo”.

Golaha Fulinta Ismaamulka Soomaalida ayaa shir deg-deg ah galay habeenimadii Jimcada, Ogos 3, waxa ayna isu balansadeen in ay afti gooni isu taag u fadhiisiyaan Baarlamaanka Deegaanka,balse waxaa ka war helay Dowladda Itoobiya oo is la habeenimadii, iyaga oo aan wax digniin ah qabin duulaan ku soo qaaday maamulka Jigjiga oo si sahal ah uga la wareegay goobihii muhiimka ahaa oo ay ku jiraan Xarumaha Dowladda.

Go’aanka faragalinta ciidan ayaa noqotay mid aan si wanaagsan loo diyaarin oo ujeedkii ay lahaayeen markii hore aan gaadhin-Deegaanka Soomaalidana ka abuuray jawi jahwareer leh.

Ka dibna, Bileyska Gaarka ah (Liyuu Police) oo ka amarqaata Cabdi Iley ayaa weerar ku qaaday goobihii fadhiisimaha ay ka dhigteen ciidamada Itoobiya ee faragalinta ku sameeyay maamulka Jigjiga. Waxaa sidoo kale, gadood sameeyay dhalinyaro cadheysan, kuwaas oo badhtilmaameed ka dhigtay dadka aan haybtoodu Soomaaliga aheyn iyo xarumaha ganacsiga iyo Kiniisadaha.

Maalmo yar gudahood waxaa is casilay Cabdi Maxamuud Cumar, ka hor inta uuna isu dhiibin Ciidanka Itoobiya oo diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah kula tagay. Cabdi Iley oo xabsi guri hadda ku ah Addis Ababa kiis isaga ka dhan ahna loo diyaarsanayo ayaa waxa uu ka tagay ciidan xoog badan;haseyeshee, aan u birdhigi karin kuwa Itoobiya iyo xisbigi uu dhistay oo lagu magacaabo Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya (XDSHSI) iyo Madaxweynihii isaga badalay Axmed Cabdi.

Jigjiga iyo Diridhaba ayaa tilmaan u noqday qala’laasaha Gobalka, taas oo markii danbe qasabtay in Addis Ababa loogu yeedho xubno sarsare oo xisbiga ah, si looga la xaajoodo dajinta colaadda Bileyska Gaarka ahna laga la tashado dajinta xaaladda kacsan.

ONLF oo ah urur dadaalkiisu inta badan ahaa mid ku dhisan fikir gobanimodoon ayaa Itoobiya ku dhaliilay faragalinta Ciidan.

Addis Ababa ayaa ONLF iyo labo urur oo kale ka saartay Liiska Ururuada Argagixisada.Waxa ay ku tilmaantay ONLF “talaabooyin dhanka fiican loo qaaday, is la markaasna hordhac u noqonkara in wada’xaajood si nabad ah loogu dhameeyo qadiyadda Soomaali Ogaadeeniya”. Waxa ayna ku dhawaaqeen xabad-joojin hal dhinac ah, taas oo markii danbe fursad u siisay iyaga laftoodu in ay wafti dhalinyaro u diraan Jigjiga, xubno ka mid ah kaadirkeedana dadweynaha Soomaaliyeed kula shiraan Addis Ababa. Marka laga yimaado xabadjoojinta iyo joogitaankooda xarumaha wali gacanta Itoobiya ugu jira. Waxa aan wali la ogeyn in ay fikirkii gooni isu taaga ka tanaasushay ONLF iyo in kale.

In kasta oo Soomaali Galbeed dhulkeeda Geeska u eg yahay midka labaad, marka laga hadlayo baaxadda balaadhka dhulka Itoobiya, is la markaasna la aaminsan yahay in uu macdanta Yuraaniyoomka, Saliida qeydhiin iyo Gaaska aad qani ugu yahay-wixii ka horeeyay horaantii bishan Soomaalida Galbeed ee Ogaadeeniya ma aheyn mid culeys weyn si gaar ah siyaasadda Addis Ababa ugu haysa, taasna waxa sabab looga dhigayaa waa Batroolka oo dhab ahaantii noqday mid la suuqgeyn karo.

Kheyraadka dabeeciga ah ee laga helay ayaa u horseedi kara labadaba, xumaan iyo wanaag.

Colaad uu ka dhex huriyay Taliskii hore ee Tigray-gu labada maamul ee dariska ah, Oromiya iyo Ogaadeeniya, ayaa waxa uu yeeshay waji ku saleysan isir neceyb u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada waxa ayna todobaadyadii la soo dhaafay iska dileen tobanaan dad ah.

Waxa sidoo kale aad u shaki galiyay Soomaalida, dagaal aan joogsi laheyn oo uga imanaya maleeshiyaad si weyn u abaabulan oo gacan ka helaya maamulka uu madaxa ka yahay Lemma Megersa oo cudud ciidan iyo mid saxaafadeed la garabtaagan duulaanka. Waxaa jira sidoo kale khariidad uu soo bandhigay ninka u ol’oleeya danaha Oromada ee Jawhar Maxamed (Jawar Mohammed) magaalada Amba todobaadkii la soo dhaafay, taas oo tuulooyin iyo magaaloon deeganada Soomaalidu leedahay ay ku jiraan.

Dowladda Dhexe ee uu madaxa ka yahay Ra’iisal Wasaare Abiye Axmed, oo isaga leftiisu Oromo ah, ayaa xubnaha ugu muhiimsan ay yihiin kuwo Oromo ah. Waxa uuna talo iyo tusaalaba ka helaa Lemma Mergersa iyo Jawar Maxamed.

Marka Soomaalida la is qabto midka dilaya Soomaaliga iyo kan looga ashkatoonayaba waa is la Oromadii. Intaas waxa dheer dowladda Dhexe oo rabta in ay kala dirto ama isku shaandheyn ku sameyso Booliska Gaarka ah iyo Xisbiga dowlad Deegaanka Soomaalida ee XDSHSI. Xisbiga waxa hadda madax looga dhigay Afhayeenkii Xukuumadiisa Axmed Shide oo ah nin uu aad ugu kalsoon yahay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, ahna gacantiisa midig, kaas oo kalsooni buuxda ay ku qabaan Oromadu oo ay qabaan in ay dhaxalsiindoonto in siyaasadda Ismaamulka Soomaalidana ay ku yeelandoonaan galaangal xor ah,mustaqbalka.

Dastuur kasta oo maamul Gobaleedyada u dhigan waxa uu qeexayaa in ay iyagu gaar u leeyihiin dhulkooda, marka laga reebo midka gobalka Axmaarta oo aaminsan in ay wali jirto rajo lagu soo celin karo boqortooyaddii soo jireenka ay u lahaayeen iyo Itoobiya Weyn Geeska ka dhalata oo ka bilaabata Itoobiya, Jabuuti,Soomaaliya, Eleteriya, Kenya iyo Sudaan ilaa Afrikada kale ay madax ugu wadanoqdaan oo ay sidaas dusha uga qabsadaan.

Si aad u weyn ayay Axmaartu u la dhacsan yihiin talaabooyinka uu ku dhaqaaqay maamulka Cusub ee Addis Ababa.

Marka laga yimaado dhalashadiisa ah Oromo, Abiye Axmed waa nin ay Axmaaradu naas-nuujisay, is la markaasna ay gardaadisay oo ay si weyn ugu qanacsan tahay siyaasadiisa hal ku dhiga u ah, *Medemer” oo la macno ah “Dowlad loo dhan yahay”.

Xeeldheerayaasha Mareykanka ee arrimaha Itoobiya, sida Herman J. Cohen ayaa ku baaqaya in Dowladda Dhexe ku ekaato kaliya siyaasadda arrimaha dibada, dhaqaalaha, arrimaha lacagta, difaaca, deegaanka iyo kaabayaasha, si jiritaankeedu u sii dheeraado.

Si kasta ba ha ahaatee, waxaa jira cabsi aad u weyn oo laga qabo jiritaanka Itoobiya wakhti ay sii kordhayaan weerarada isir beegsiga ah ee ka socda dhammaan Itoobiya iyo diyaargarowga laga dareemayo Ismaamulada hamigooda ugu weyn yahay in ay ka go’aan Itoobiya.

Source Widh Widh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *