Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Dhegeyso:- Ciidamada Puntland oo tuulada Af-urur dib u qabsaday.

Dhegeyso:- Ciidamada Puntland oo tuulada Af-urur dib u qabsaday.

Boosaaso (Madal Furan) – Ciidamada Puntland ayaa saaka waabirigii dib ula wareegay tuulada Af-urur oo muddo bil ku dhaw ay gacanta ku hayeen ururka al-Shabaab iyada oo aan wax dagaal ahi ka dhicin.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland General Cabdi Axmed Xaashi oo lahadlay idaacada VOA ayaa sheegay in ciidanka Maamulka Puntland ay dib ula wareegen deegaanka Af-Urur iyagoo aney la kulmin wax iska caabin ah, waxa ayna halkaa ciidamada ku arkeen alaabo ay uga tageen Shabaabka.

General Cabdi Axmed Xaashi oo sii hadlaayey ayaa tilmaamay intii ay hawlgalka ku jireen in aysan la kulmin wax iska caabin ah, isla markaana ciidamada ay hada ku sugan yihiin jiidaha Af-Urur.

Halkan ka dhegeyso. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *