Thursday, January 20, 2022
Hoy > Fikradaha > DAAWO:- Musharax Faarax Cali Shire oo ku eedeeyey Dr. Gaas inuu albaabada isugu laabayo Puntland

DAAWO:- Musharax Faarax Cali Shire oo ku eedeeyey Dr. Gaas inuu albaabada isugu laabayo Puntland

Nayroobi (Madal Furan) – Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland 2019 Faarax Cali Shire oo maanta waraysi siiyey TV-ga RTN ayaa si qoto dheer wuxuu uga hadlay sababta ku kaliftay inuu isu sharaxo xilka Madaxweynaha Puntland.

Mudane Faarax Cali Shire ayaa sheegay in Puntland ay soo martay heerar kala duwan balse aysan maanta ku qanacsaneyn muuqaal ahaan, maskab ahaanba iyo jirtaankii Puntlandna meel hoose geeyey.

“Waxaan leeyahay wax badan ayaad ka bedeli kartaa dhibaatooyinka Puntland ka jira maanta, kuwa amni, kuwa dhaqaale, kuwa siyaasadeed iyo kuwa bulshaba intaba” ayuu yiri Mudane Faarax Cali Shire

Wuxuu kaloo sheegay haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Puntland inuu wax badan ka qaban doono la dagaalanka musuqmaasuqa, eexda, lunsiga hantida dadweynaha iyo midnimada dadka, wuxuuna yiri:- “waxaan dhisi doonaa dowlad horumar horseeda, midnimada dadka iyo isjecaylka dadka dhista, ladagaalanka musuqmaasuqa iyo waxa dadku ay ku niyad jabeen oo Soomaaliya oo dhan aafeeyey, gaar ahaan Puntland oo hadda aan ugu socdo”

“C/weli waa uga waa aragsanahay Puntland, kamana soo shaaqeeyn dadkeeda, dhaqankeeda iyo sida xarkaheedu isu suran yihiin nin yaqaan ma aheyn, een, tan Labaad wixii C/weli dadku ka filayeen oo aqoonta aad sheegeyso iyo waaya aragnimaad sheegeyso ma muujin mana qaban, dadku maanta waxay joogaan meel ay aad uga qunuudeen,, kana rajo dhigeen wax Xukuumad la yiraahdo” ayuu Faarax Cali Shire oo ka jawaabay sababta maamulka C/weli Gaas uu hanaqaad u noqon waayey.

Wuxuu tilmaamay in dadku ay si weyn uga rajo dhigeen wax Dowlad la yiraahdo taasoo uu ku sababeeyey in la xalin waayey dhibaatooyinkii maamul xumo ee jirtay oo ay ugu weyn tahay Laaluushka iyo iyadoo wax laga qaban waayey nabadgelyo xumada ka jirta dalka.

Faarax Cali Shire oo wax laga weydiiyey dowladii uu ka tirsanaa ee C/raxmaan Faroole in lagu eedeyn jiray inaysan waxba qaban, xiligana uu eedeynayo C/weli Maxamed Cali Gaas oo ku sheeganaya inuu sameeyey barnaamij maamulka lagu gaarsiiyey degmooyinka iyo goboladda dalka.

“C/weli waxa uu ku faanayo waa wixii aan angu keenay, oo dowladii hore ay qabatay, tusaale ahaan Airporka Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir Labaduba waxaa weeye wixii aan anagu qabanay, aniguna aan soo saxiixay, fulintii buu ka qayb qaatay, waana ku mahadsan yahay waa fuliyey……………..C/weli wuxuu qabtay shicibkaa la weydiinayaa anagu markaan joognayna shicibkaa la weydiinayaa” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo musharaxu ka hadlay arrimaha ragaadiyey hanaanka Xisbiyada Puntland ayuu ku tilmaamay mid meesha ka saaray mowduucii ay dadku ku aragtidooda kaga hadli lahaayeen, wuxuuna tilmaamay in xukuumadii uu ka tirsanaa ee C/raxmaan Faroole ay isku day sameysay, meelna wax soo gaarsiisay, wuxuuna ku eedeeyey Dr. Gaas inuu ahaa dadkii ka soo horjeeday oo la dagaalamay, xiligana uu is hortaagay in la furo.

“Waxay noqotay ka dar oo dibi dhal oo maanta waxa weeyaan waaba baa’ba, meeshu albaaba xiran bayba maanta ku socotaa, ciidamadii buu kala diray,………waxaa lagu ceshay 1998dii markii Puntland la aasaasay, Maleeshiyooyin in qabiil baa lagu ceshay, C/weli ayaa ka masuul ah”

Wuxuu kaloo sheegay in Puntland ay leedahay dhaqaale ku filan haddii loo maareeyo, balse C/weli Maxamed Cali Gaas uusan dhaqaalaha Puntland sidii la rabay uusan u maamulin balse uu daabacay lacag Sh.So. ah, taasina ay keentay sicir barar, hantidii dadka oo luntay, dhaqaalihii oo hoos u dahcay in dakhligii oo la waayey.

Wuxuu kaloo intaas ku daray in 50% aysan ku bixin dhaqaalaha Puntland wadadii loogu tala galay ee Baarlamaanka Puntland uu meel mariyey.

Wuxuu kaloo ka hadlay ololihiisa ku wajahnaa safaradii uu ku tegay waddamada dibadda oo uu tilmaamay inay ku nool yihiin dad reer Puntland ah oo aad u tiro badan “Sanad walba nin baa yimaada waxbuu u sheegaa, wixii uu u sheegayna waxay u qaataan sida uu yahay, wixiina ma dhacaan, ……intaan Qurbaha marayey qiimeyn olole siyaasadeed, fikir ururin iyo dad tayo leh oo maalgashada waddanka  inaan ka helo Qurbaha, hawsheydu sidaas ayey aheyd” ayuu yiri Dr. Faarax Cali Shire.

Halkan ka daawo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *