Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Siyaad Barre maxuu ka aaminsanaa qowmiyada Oromada

Siyaad Barre maxuu ka aaminsanaa qowmiyada Oromada

Madal Furan – Qowmiyada Oramada ayaan ka war haynaa inay yihiin qowmiyada Labaad ee ugu tiro badan qaaradda Afrika marka laga reebo dalka nayjeeriya waxaana lagu qiyaasaa inay 60% yihiin shucuubta ku nool dalka Itoobiya, waxana weligood hoos harsan jireen Boqortooyooyinkii u soo tali jiray dalka Itoobiya sida Tigreega iyo Xabashida.

Waxay mudo dheer ku jireen halgan ay ku doonayeen inay kaga xoroobaan nooc gumeysi ah oo kala kulmeen Saldanadihii dalka Itoobiya isku bedelay, kuwaasoo la rumeysan yahay inay tacadi fara badan kala kulmeen shucuubta ka soo jeeda Oromadu.

Sanadihii 1970-kii wakhtigii uu dalka Soomaaliya ka talin jiray Madaxweynihii hore Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa siyaasiyiingta Qowmiyada Oromadu xafiis ka furteen magaalada Muqdisho, kuwaasoo xiligaas dagaal kula jiray dowladii uu hogaaminayey Mingest Xayla Maryan.

Xiligaas waxaa jira isdhex gal u dhexeeyey bulshadda Soomaalida iyo Oromada oo tiro badan oo ka mid ahi ay dhinaca Soomaalilya u soo baxsadeen kadib markii ay caddaadis kala kulmeen xukunkii Dergiga ee Minigste Xayla Maryan.

Dowladdii Kacaanka aheyd ee Siyaad Barre waxaa ay gacan siinsay kooxihii halganka hubeysan kula jiray dowladda Itoobiya, waxaana ka mid ahaa Jabhadii Xoreynta Soomaali Galbeed iyo tan Qowmiyada Oramada, Jabhadihii Tignreega iyo Eriterea kuwaasoo dhamaantood ku jiheysnaa siday uga xoroobi lahaayeen xukunka Xabashida.

Jaalle Siyaad Allaha u naxariistee maadaama aysan Oromadu xiligaas laheyn luqad qoran oo afkooda hooyo ah, wuxuu hirgeliyey qoraalka farta Oromada, wuxuuna soo saaray buuga laga barto luqaada Oromada oo hal-ku-dhig looga dhigay “FURAA AFAA ABBO”, Waxayna aheyd Luqada Labaad ee uu qoraalkeeda hirgeliyey marka lagu daro tan Afka Soomaaliga.

Jaalle Siyaad ayaa xiligaas dhaliyey halbeeg uu ku sheegayo in Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaaliya ay asal ahaan ka wadaagaan Soomaalinimada wuxuuna ugu yeeray “SOMALI WARYA” iyo “SOMALI ABBOW”, waana halka uu ka soo jeedo in Soomaalidu ilaa xiligaan ay dadka Oromada ah ugu yeeraan “ABBOW” oo micnaheedu yahay “Walaal”.

Taariikhdu maanta way isbedeshay.

Dadka Oramada iyo Soomaalida ayaa ah dad deris ka ah dhinaca dhulka oo ay ku wada nool yihiin xayndaab kelliya, waxaana jiro dad aad u badan oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada kuwaasoo ku hadla Luqada Soomaaliga, waxayna inta badan dacalka ku hayaan dhulka ay Soomaalidu degto waxaana loogu yeraa “JAARSO” oo micnaheedu yahay “JAAR” ama “Deris”, waxaana jira isku dhex milan Qowmiyada Soomaalida qaarkood ay xidid iyo qaraaba kula yeesheen dadka Oramada ah.

Waxay ahaayeen dad isdhex mara, xiriir ganacsina leh,  isla markaasna wadaagay hal gumeysi oo ay isku si isula dagaalamayeen, balse maanta waxaa muuqata in uu curtay dagaal u dhexeeya Soomaaliyda iyo Oramada iyadoo xiligaan markii ugu horeysay taariikhda uu xukunka dalkaas hogaamiyo Abiy Ahmed oo ah nin ka soo jeeda Qowmiyada Oramada.

Dad badan ayaa is weydiinaya inta uu socon doono dagaalka Oromada iyo Soomaalida ka dhex bilowday, iyo saameynta uu ku yeelan karo Labada dhinacba.

Oramadu waa dad dhiig qabow, balse dulqaadkoodu yar yahay, waxaana ay inta badan ku mashquulsan yihiin beershada iyo tacabka beeraha, kaasoo ah mihnada keliya ee ugu qanisan ee noloshooda ay ku maareeyaan, waxayna beeraan geedaha Bunka, Jaadka iyo noocyada qudaarta, balse waxaa la sheegaa in arrintaasi aysan wax badan ka qaban in ay ka gudbaan fakhriga ka jira dhulka ay ku nool yihiin dadka Oromada ahi.

 

Dadka ugu badan ee Oromada ah ee ku gudaha gobolada Soomaaliya ayaa waxay ugu badan yihiin Goboladda Waqooyi Galbeed iyo Gobolka Bari, waxayna walaac ka muujiyeen dagaalka sida foosha xun u dhex maraya Labada qowmiyadood, kaasoo ay cabsi ka qabaan inuu saameyn ku yeesho noloshooda.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa bulshadda Soomaalida ku wacyi geliya in la dhowro xuquuqda dadka Oromada ah ee ku nool goboladooda iyo inaan waxba la yeelin.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *