Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > ‘Muuse Ma Tirtiri Karo Raadkii Axmed Siilaanyo…’ Afhayeenkii Hore Ee Siilaanyo

‘Muuse Ma Tirtiri Karo Raadkii Axmed Siilaanyo…’ Afhayeenkii Hore Ee Siilaanyo

Hargeysa (Madal Furan) – hayeenkii madaxwaynihii hore ee Somaliland Xuseen Aadan Deyr oo ka hadlay tallaabada uu madaxwayanaha hadda talada haya ee Muuse Biixi uu dib gacanta dawladda ugu soo celiyey hanti ay xukuumaddii hore ee Axmed Siilaanyo bixisay – kuwaasi oo kamid yihiin haamaha keydka shidaalka magaalada Berbera iyo sidoo kale amniga iyo baarkinka madaarka Hargeysa waxa uu sheegay in aanay wax dhibaato ah ku jirin arrintaasi. Xuseen Deyr waxa uu tilmaamay in xukuumaddii hore ee uu ka tirsanaa aanay marnaba hantidaasi ku bixinin sifo sharci-darro ah.

Xuseen Deyr oo telefiishanka Eryal Hargeysa ugu warramay maanta waxa uu sheegay in madaxwaynaha hadda ‘Muuse Biixi Cabdi’ aanu marnaba tirtiri karin raadkii waxqabad ee ay ka tagtay xukuumaddii hore isagoo arrintani ka hadlayana wuxuu yidhi “….sabab uu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu macallinkiisii siyaasadda oo ahaa Axmed Siilaanyo, uu raadkiisii u tirtirro horta meesha ma taallo. Ra;igaasina ma qabo, madaxwayne walba isaga ayaa hanaankiisa siyaasaddeed iyo siduu wasiirradiisa u dooranaayo, iyo siduu dawladdiisa u hawl gelinaayo isaga ayaa xaq u leh.” ayuu yidhi Deyr.

Ugu danbeyntiina ex Afhayeen Deyr waxa uu sheegay in aan Muuse Biixi laga filanayn in uu sii dhiso mooyaane in uu tirtiro raadkii madaxwayne Siilaanyo.

Xigasho Xornimonews

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *