Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay sababta maamulkiisu u diiday shaqaalihii hay’ada NISA

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay sababta maamulkiisu u diiday shaqaalihii hay’ada NISA

Kismaayo (Madal Furan) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maalmihii la soo dhaafay socdaal ku kala bixinayey waddamada Kenya iyo Itoobiya ayaa markii uu maanta ku noqday magaaladda Kismaayo wuxuu la hadlay saxaafadda.

Axmed Madoobe ayaa ka hadlay arrimo la xiriira xaaladda amaan ee maamjulka Jubbalandiyo arrinta Taliyeyaashii NISA ka socday ee shalay lagu xayiray Garoonka Kismaayo.

Saraakiishaas ayaa maamulka Jubbaland dib ugu celiyey magaaladda Muqdisho, wuxuuna Axmed Madoobe DFS si weyn ugu dhaliilay in aanay maamulkiisa kala tashan.

Wuxuuna ku sifeeyey arrin ka hor-imaanaya heshiisyadii amniga ku saabsanaa ee ay wada gaareen dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in nasiib darro ay tahay in dowladda Soomaaliya qeyb ka noqoto amni darada ka jirta dalka.

“Dowlada Soomaaliya kalama tashanin Jubbaland Magacaabista Taliyeyaashan,  dowladda dhexena waxay qeyb ka tahay Amni daradda ka jirta dalka” ayuu yiri Axmed Madoobe

Is faham waaga u dhaxeeyay dowladda Federalka iyo maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay, iyadoo uu xumaaday wada shaqeyntii labada dhinac u dhaxeeyay, waxaana jiray eedeymo uu Axmed Madoobe u jeediyay dowladda Federaalka oo ahaa inay faragelin ku heyso maamulkiisa.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Ciidamada Ammaanka Jubbaland ay ku xayireen Garoonka Kismaayo Labo sarkaal oo Hey’adda NISA u magacawday Taliyaha Nabadsugida Jubbaland iyo kuxigeenkiisa, waxaana saaka saraakiishaas dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *