Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Al-shabaab oo sheegay in shaqaale Kenyaati ah ku dileen gudaha dalkaas

Al-shabaab oo sheegay in shaqaale Kenyaati ah ku dileen gudaha dalkaas

Mandhere (Madal Furan) – Warbaahinta ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in shalay barqanimadii qarax xoog weyn la beegsadeen gaari ay saarnaayeen dad shaqaale Keenyaati ah.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in shaqaalaha la qarxiyey ay ka mid ahaayeen kuwa wax ka dhisaya derbiga u dhexeeya xadka Soomaaliya iyo Keenya.

Gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa marayay deegaanka loo yaqaano Yaadoo oo u dhexeeya Magaalooyinka Ceel Waaq yo Dhamase oo kawada tirsan Gobolka Mandheera ee NFD, sida lagu sheegay warka ka soo baxay ururka Al-shabaab.

Shaqaalahaan katirsanaa dowladda Kenya  ayaa xilliga la beegsanayay waxay kusii jeedeen goob ay ka wadeen dhismaha darbiga la doonayo in lagu kala gooyo magaalooyinka Balad-Xaawo iyo Mandheera.

Tiro Saddex qof ah oo ka tirsanaa shaqaalahaas ayaa warka lagu sheegay inay ku dhinteen qaraxaas iyadoo qof kale oo gaariga la socdayna uu dhaawac soo gaaray.

Sarkaal ka tirsan Dowlada  Kenya oo lagu magacaabo Baawal Kamaay ayaa xaqiijiyay in gaari la beegsaday ay la socdeen shaqaale ay dowladoodu u xilsaartay dhismaha darbiga ay ka dhisayaan xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.