Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Saraakiil ka tirsan hayada Nabadsugida oo laga celiyey garoonka diyaaradaha Kismaayo

Saraakiil ka tirsan hayada Nabadsugida oo laga celiyey garoonka diyaaradaha Kismaayo

Madal Furan –  Garoonka diyaaradaha ee magaaladda Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in laga celiyey galabnimadii maanta  Labo Sarkaal oo loo soo magacaabay Taliyaha Nabadsugida Jubbaland iyo Kuxigeenkiisa, kuwaasoo ka tegay magaaladda Muqdisho,

Xukuumada Soomaaliya ayaa Labadan Sarkaal u soo magacowday xilalka kala ah Cali Mire Ducaale oo loo soo magacaabay Taliyaha Nabadsugida Jubbaland iyo Maxamed Ibraahim oo Taliye kuxigeen, balse waxaa baraha bulshadda lagu arkay masawirada Labada Sarkaal oo loo diiday inay gudaha u galaan magaaladda Kismaayo,

Qoraalka la soo dhigay bogga taageera Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland ay tahay hey’ad taliskeeda dhameystiran yahay, isla markaana gacan bir ku dhigtay amniga gudaha dowlad goboleedka, gaar ahaan Kismaayo.

Bishii July ayay aheyd markii sidan oo kale Ciidamada Ammaanka Jubbaland ay dib ugu celiyeen diyaarad Kismaayo geysay Taliye dowladda Soomaaliya u soo magacawday qeybta 43aad oo lagu magacaabo Jen. Cali Bogmadow, kaasoo markii dambe ka degay degmada Garbahaarey.

Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sii xumaanayay, iyadoo Jubbaland ku eedeysay dowladda Dhexe inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha maamulkeeda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *