Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Ciidamadda milateriga oo qabtay koox ka tirsan ururka al-Shabaab.

Ciidamadda milateriga oo qabtay koox ka tirsan ururka al-Shabaab.

Muqdisho (Madal Furan) – wararka ka imaanaya magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho ay Ciidamada xoogga dalka ku qabteen kooxo ka tirsan ururka Al-Shabaab kuwaasoo weerar ka geystay Saldhig Ciidamadu halkaas ku leeyihiin.

Sida ay qortay Wakaalada wararka SONNA Ciidamada Xoogga dalka qeybta 12-ka April ayaa ka hortagay weerar gaadmo ah oo illaa shan dagaalama ka tirsan Shabaab ku soo qaadeen.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ragga la qabtay uu dhaawac yahay, sida Saraakiisha ay u xaqiijiyeen warbaahinta dowladda, waxaa kaloo ciidamada ay gacanta ku dhigeen gaari ay wateen.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dagaalamashan la qabtay loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku qaadayay saldhigyada ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka Muqdisho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *