Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Laba ciyaala oo meydkooda laga helay xeebta Boosaaso

Laba ciyaala oo meydkooda laga helay xeebta Boosaaso

Boosaaso (Madal Furan) – Waxaa saaka meydkooda la helay Laba Caruur ah oo la sheegay in ay ku kharaqmeen badda xili ay dabaal u tageen.

Labadan caruura ayaa lagu soo waramayaa in waalidiinta dhashay ay la’aayeen mudo dhowr maalmood ah, isla markaasna ay uga shakisanaayeen in laga xaday.

Haseyeeshee, Kooxo Kalluumeysato ah ayaa la sheegay inay saaka soo heleen meydadka caruurtan oo dul sabeynayey badda dusheeda.

Xiligan oo ah Xagaa ayaa guud ahaan xeebaha Soomaaliya ay yihiin kuwo aad u kacsan isla markaasna ay adag tahay in lagu safro, kalluumeysto ama laguba dabaasho.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *