Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Beesha Caalamka oo Digniin Culus kasoo saartay Doorashada Somalia ee soo socota

Beesha Caalamka oo Digniin Culus kasoo saartay Doorashada Somalia ee soo socota

Muqdisho (Madal Furan) – Warbixin qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay saameynta ay ku yeelan karto xadgudubyo ka dhaca doorashada ay dowladda Federaalka Soomaaliya qorsheyneyso sanadka 2020ka.

QM ayaa ka digeysa inay soo laabtaan xadgudubyo la sheegay inay dhaceen Doorashooyinkii dhacay sanadka 2016 iyo 2017.

“Amaan xumada, Tabaryarida hayadaha Cadaaladda iyo Nidaamka Difaaca Xuquuqul insaanka oo aan wanaagsaneyn ayaa ka qayb qaatay isla xisaabtan la’aanta xadgudubyadda xuquuqul insaanka Somalia” ayaa lagu sheegay Warbixinta QM.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa qoraalkan ku sheegay inay si weyn uga welwelsan yihiin tacadiyadii Soomaaliya ka dhacay xili doorasheedkii 2016 iyo 2017, kuwaasoo ay sheegeen inay geysteen Ciidamadda Amaanku gaar ahaan ciidamadda Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay inay tacadiyadan ay gacan ka geyteen ururka Al-shabaab mudadii ay socotay doorashada Baarlamaanka ee sanadkii 2017kii

“Waxaa la xusay in la dilay 44 ruux oo isugu jira kaabe Qabiillo iyo Ergadii Doorasho ee waqtigaas, waxaana Dacwad lagu soo oogay ama la baaray Labo kiis oo ka mid ah dhacdooyinkan” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska QM ee Somalia

Lama garan karo sababta xiligan ku soo beegtay warbixinta QM iyadoo weli ay socdaan dadaalka Dowladda Federaalku ku dooneyso inay waddanka Soomaaliya ka hirgeliso nidaam Xisbiyo badan si looga gudbo nidaamka qabiilka ku saleysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *