Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Madaxweynaha Somaliland oo wax Safaarado u eg u magacaabay dalal ay ku jiraan Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Somaliland oo wax Safaarado u eg u magacaabay dalal ay ku jiraan Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta

Hargeysa (Madal Furan) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay dhowr qof oo uu qoraal ku sheegay in Wakiilo ka noqon doonaan Waddamo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna ku soo saaray  Wareegto Madaxwweyne oo u qorneyd sidan:-

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

  1. Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya.
  2. Xasan Hirad Yaasiin Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta.
  3. Bashiir Sheekh Cumar Good Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka.
  4. Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar) Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC) .
  5. Xasan Axmed Ibraahin (Embassy) Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.

Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Mudane, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf).

Madal Furan.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *