Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Odinga oo ku eedeeyay barlamaanka inuu ku guul darreystay dagaalka ka dhanka ah musuqa

Odinga oo ku eedeeyay barlamaanka inuu ku guul darreystay dagaalka ka dhanka ah musuqa

Nayroobi (Madal Furan) – Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa si weyn u cambaareeyay barlamaanka oo uu ku tilmaamay inay ku guuldareysteen dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

War qoraal ah oo kasoo baxay shalay, Odinga ayaa ku sheegay in ceeb iyo wax lala yaabo ay tahay wararkii maalmihii dambe soo baxayay ee ahaa in xildhibaanada ay aruursadeen laaluush si ay daaqada uga tuuraan warbixintii laga diyaariyay sonkortii la sheegay inay sharci darro eheyd.

Waxuu sheegay in barlamaanka uu Kenyanka meel cidla ah uga soo tagay islamarkaana khiyaanay waxaa uuna ugu baaqay laamaha baaritanada inay baaritaano dhab ah kusameeyaan arintani.

Afhayeenka barlamaanka Justin Muturi ayaa horay u cazuumay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqa ee EACC inuu baaro wararka sheegaya in xildhibaanada ay qaateen inta u dhaxeysa 10,000 ilaa 30,000 si daaqada looga tuuray warbixintaasi.

Warbixintani oo ay diyaariyeen guddiga isku dhafka ah ayaa lagu doonayay in baaritaano lagu sameeyo wasiirkii hore ee ganacsiga Adan Mohamed, kan maaliyada Henry Rotich iyo wasiirkii hore ee beeraha Willy Bett kuwaasoo lagu eedeynayo inay qeyb ka ahaayeen sonkorta sumeysan ee dalka lasoo galiyay.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa soo jeediyay in dhammaan laamaha dowlada looga baahan yahay inay hal jiho qaadaan hadii la doonayo in xididada loo siibo musuqmaasuqa.

Ugu dambeyn qoraalkiisa waxaa uu uga codsaday siyaasiyiinta iyo Kenyanka inay taageeraan heshiiska dhaxmaray isaga iyo Uhuru Kenyatta si horumarka dalka looga shaqeeyo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *