Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Markabkii siday xoolaha laga soo celiyey dalka Saciidga oo dekedda Boosaaso ku soo xirtay

Markabkii siday xoolaha laga soo celiyey dalka Saciidga oo dekedda Boosaaso ku soo xirtay

Boosaaso (Madal Furan) – Wararka ka imaanaya magaaladda Boosaaso ayaa sheegaya in dekedda Magaaladda Bosaaso uu soo gaaray markab siday xoolo tiradoodu dhemeyd 27 Kun oo neef oo Ari ah oo dhowaan dowladda Sacuudi Carabiya ay u diiday in dalkeeda la geliyo.

Xoolaha saarnaa markabkaas ayaa laaga dejiiiyey iyadoo dib loogu celiyey Maxjarkii Ganacsatada Puntland ay horay uga rareen, halkaasoo la filaayo in dib loogu baari doono cudurka Rift Valley ee dowladda Sacuudigu ay sheegtay in xoolahaas laga helay.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin xoolaha dib loogu soo celiyey dekeddii horay looga dhoofiyey ee magaaladda Boosaaso.

Madal furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *