Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Isbedel xoog leh oo ku soo wajahan maamulka gobolka Banaadir, hayadda NISA, Milateriga iyo……….

Isbedel xoog leh oo ku soo wajahan maamulka gobolka Banaadir, hayadda NISA, Milateriga iyo……….

Muqdisho (Madal Furaan) – Waxaa si weyn u soo shaac baxaya warar sheegay in Maxamamed Abuukar Islow Ducaale oo horay u ahaa Wasiirkii Wasaaradda Aamniga DFS iminka loo wado in loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Muqdisho.

Warar si u hoose u soo burqanaya ayaa sheegaya in magacaabista Guddomiyaha cusub uu muran ka dhex dhaliyey Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Kheyre, iyadoo Raysal Wasaare Kheyre uu la yimid in xilka Guddoomiyaha loo magacaabo Wasiirkii Wasaaradda Amniga, balse uu Madaxweyne Farmaajo arrintaas ka biya diidan yahay

Magacaabista xilkan ayaa saacadihii ugu danbeeyey waxaa loolan ugu jiray taageerayaal u kala ololeynaya go’aanka Raysal Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaase dadka siyaasadda odorasa rumeysan yihiin inay higeli doonto codsiga Raysal wasaare Kheyre ku soo bandhigay magacaabista xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.

Waxaa sidoo kale soo baxay in sida ugu dhaqsaha badan loogu  magacaabi doono  Khaliif Axmed Irig Taliyaha Cusub ee Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in isbedelka Xukuumadda Soomaaliya uu saameyn doono Ciidamadda Milateriga Soomaaliya iyadoo si weyn loo hadal hayo in xilkaTaliyaha Ciidamada Militiriga Somaliya loo magacaabi doono nin lagu magacaabo Daahir Adan Cilmi (indho Qarshe)

Tallaabadan ayaa haddii ay u hirgasho sida loo filayo waxay noqon doontaa isbedelkii ugu balaarnaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sameyso qaybaha maamulka dowliga ah.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.