Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Xilkii ugu danbeeyey ee uu hayey Madaxweynihii DDSI oo loo magacaabay nin wasiir ka ah xukuumadda Itoobiya

Xilkii ugu danbeeyey ee uu hayey Madaxweynihii DDSI oo loo magacaabay nin wasiir ka ah xukuumadda Itoobiya

Addis ababa (Madal Furan) Xisbiga Dimoqraadiga Soomaalida Itoobiya ayaa dhowaan loo caleema saaray ninka lagu magacaabo Axmed Shidde oo ah Wasiirka Isgaarsiinta dalka Itoobiya.

Magacaabista Axmed Shide ayaa waxa meesha ka saareysaa awoodii Caabdi Maxamuud Cumar (Iley) oo isku hayey xilka Madaxweynaha DDSI iyo Xisbiga Dimoqraadiga Soomaalida Itoobiya.

Talaabadan ayaa loo maleynayaa inay ka dhalatay shirar maalmahan magaaladda Addis Ababa uga socday Dowladda Itoobiya iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda goboladda Soomaalida oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen rabshado.

Lama garan karo halka uu ku danbeyn doono Cabdi Maxamuud Cumar oo horay xilka Madaxweynaha looga qaaday isla markaasna ciidamadda Itoobiya u kaxeeyeen dhinaca magaaladda Addis Ababa.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.