Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Dad Shacab ah oo ku dhitay weerar ay ciidamada Milateriga iyo kuwa Mareykanku ku qaadeen deegaanka Leego

Dad Shacab ah oo ku dhitay weerar ay ciidamada Milateriga iyo kuwa Mareykanku ku qaadeen deegaanka Leego

Leego (Madal Furan) Deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose ayaa ugu yaraan Afar qof ayaa geeriyooday kadib markii ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ay weheliyaan ciidamo Caddaan ah oo loo maleynayo inay Ameerikaan yihiin ay dileen dadkaas.

Ciidamadan ayaa la soo sheegayaa inay saldhigoodu ahaa garoonka Bali-doogle, halkaasoo ay ka soo qaadeen weerar la filaayo inay ku qaadeen xog khaldan oo la soo siiiyey

Hooyo iyo wiilkeeda iyo Laban in oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weerar ay ciidamadaasi ku ekeeyeen deegaan u dhow tuulada Leego xili ay dadku hurdeen.

Subaxnimadii hore ee saaka ayaa dadka ku nool goobta ay dhibaatadu ka dhacday waxa ay aaseen dadkii weerarka ku nafwaayey, mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda oo looga hadlayo arrintaas.

Dhowr goor ooh ore ayaa waxaa degmooyin ka tirsan Koonfurta Soomaaliya waxaa ka dhacay duqeymo iyo weeraro loogu geystay dad shacab ah, kuwaasoo aan wax lug ah ku laheyn kooxaha Al-shabaab ee dagaalku kala dhexeeyo ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *