Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Baadigoobkii ictiraafka dowladnimada Somaliland oo hoos u dhac weyni ku yimid, maxay tahay sababtu?

Baadigoobkii ictiraafka dowladnimada Somaliland oo hoos u dhac weyni ku yimid, maxay tahay sababtu?

Hargeysa(Madal Furan) – Waxaa si weyn looga dareemayaa gudaha iyo dibadda maamulka isku magacaabay Somaliland ee mudada Rubuc qarniga ku dhow raadinayey inay Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen ka goostaan.

Wixii ka danbeeyey markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa dad badani rumeysan yihiin inuu ku yimid hoos u dhac siyaasadeed raaditaankii madax-banaanida ee maamulkaasi mudada dheer haabanayey.

Maxay Tahay Sababtu?

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheega in ay jiraan arrimo keenay in siyaasiyiinta Somaliland ay ka daaleen raadinta ictiraafka madaxa banaana, kuwaasoo ay ugu weyn tahay Qaramada Midoobay oo horay u sheegtay inaysan dooneyn in Soomaaliya kala tagto.

Waxaa intaas weheliya wixii ka danbeeyey doorashadii Madaxweynaha Soomaaliland loogu doortay Muuse Biixi Caabdi ayaa la sheegaa in ay Somaliland lugaha la gashay mushkilado fara badan oo ay ka mid yihiin

  1. Musuqmaasuq ka dhashay doorashadii ugu danbeysay ee Somaliland ka dhacday taasoo masuuliyiinta Xisbiga waddani dibadda soo dhigeen in doorashadaas la musuqmaasuqay.
  2. Tuhunka iskaashiga beelaha loogu magic daray Jeegaanta oo beelaha Somaliland ku dhaqani u arkeen mid isxulufeysi ah oo kheyraadka waddanka loogu tashaday inaysan ciddina kala manfacaadsan.
  3. Colaadda beelo ku dhaqan deegaanka Ceel-afweyn oo jilbaha u laabtay sumcadii ay horay ugu mideysnaayeen beelaha Somaliland, taas bedelkeedna ay dhalatay in tiro badan oo ka soo jeeda beelaha Somaliland ay u soo janjeersadaan dhinaca Soomaalinimada.
  4. Dagaalka ay ciidamadda Soomaaliland ku qabsadeen tuulada Tukaraq taasoo Kastam u aheyd maamulka Puntland, balse uu dhowr goor ka dhacay dagaal faraha looga gubtay oo dad badani ku dhinteen, waxaana loo arkay fudeydka Musue Biixi inuu arrintaas sababay.
  5. Muranka ka taagan sidii loo wadaaggi lahaa xilalka dowladnimada iyo kheyraadka kale eek u taxaluqa anfaca barnaamijyada waxtarka leh ee waddanka ee lala galo shirkaddaha caalamiga ah iyo goobaha laga fulinayo.
  6. Isbedelka Siyaasadeed ee ka curtay Geeska Afrika iyo saameynta uu guud ahaan ku yeeshay waddamada Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritrea

Socdaalka waddamada deriska ee Guddoomiyayaasha Xisbiyada

Guddoomiyayaasha Xisbidda Waddani Faysal Cali Waraabe ayaa u safray magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya halka Guddoomiyaha Ucid  Faysal Cali Waraabana uu u socdaalay dalka Kenya, lamana sheegin ujeeddada socdaalkooda.

Haseyeeshee waxaa jira argtiyo muujinaya in xiligan ay Hogaamiyayaasha Mucaaradku ay kaga awood badan yihiin dhinaca arrimaha dibadda Madaxweyne Muuse Biixi oo horay u ahaa dal jog aan wax badan kala socon arrimaha ka baxsan maamulka Somaliland.

Buundada siyaasadeed ee maamulka Muuse ka gudbi la’yahay ayaa ah bulhanka siyaasadeed ee ka jira gudaha Soomaaliland iyo xiisada colaadeed ee deegaanka Tukaraq kala dhexeysa maamulka Puntland.

Arrimahan oo dhan ayaa noqonaya kuwa wiiqay ololihii iyo qayla dhaantii Maamulka Soomaaliland uu ku doonayey in dunidu dowladnimo ugu aqoonsato.

Leave a Reply

Your email address will not be published.