Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > DAAWO:- Mustaqbalka ciidamada Liyu Boliska halka ay ku danbeyn doonto

DAAWO:- Mustaqbalka ciidamada Liyu Boliska halka ay ku danbeyn doonto

Jigjiga (Madal Furan) – Shir uga furmay magaaladda Jigjiga qaybaha kala duwan ee ciidamadda Itoobiya ayaa waxaa ka qayb ahaa ciidamadda Liyu Boliska oo toddobaadkii la soo dhaafay isu arkayey in gees la geliyey wixii ka danbeeyey qalalaasihii ka dilaacay degmada Jigjiga.

War ka soo baxay Saraakiisha ciidamada Itoobiya qaybahooda kala duwan ayaa lagu sheegay in warar been abuur ah maalmahan bulshadda lagu maadax wareeriyey, waxayna sheegeen in ay aad uga xun yihiin wixii dhacay, dibna loo soo celiyey adeegyadii bulshadda.

Madaxweynaha Cusub ee DDS ayaa sheegay in ciidamadda ku sugan Jigjiga ee Milateriga Itoobiya ay yihiin ciidankii waddanka loona baahan yahay in lala shaqeeyo.

Wuxuu intaas ku daray in la sameeyey ciidamo iskudhaf ah oo ay ka mid yihiin kuwa Liyu Booliska kuwaasoo si wadajir ah uga shaqeynaya xasilinta nabadgelyadda.

Halkan ka daawo

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *