Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Juxa oo dhaliilay Dr. Gaas ugana digay DFS inay gacmaha la soo gasho doorashada Puntland 2019.

Juxa oo dhaliilay Dr. Gaas ugana digay DFS inay gacmaha la soo gasho doorashada Puntland 2019.

Garoowe (Madal Furan) – Cabdi Faarax Juxa oo soo noqday Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa xalay iclaamiyey inuu musharax u yahay xilka Madaxweynaha Puntland sanadka 2019-ka.

Mr. Juxa ayaa wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya u diray fariin digniin ah oo ku muujiyey in aysan faraha la soo gelin doorashadda ka dhici doonta Puntland sanadka 2019ka taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid u gaar ah Puntland isla markaasna ku dhisan rabitaankooda iyo masiirkooda.

“Puntland waxay galeysaa doorasho u gaar ah oo masiirkeeda iyo rabitaankeeda ku dhisan, waxaan uga digeynaa dowladda Federaalka iyo cid kasta in aysan arrintan faraha la soo gelin”ayuu yiri Juxa.

Wuxuu kaloo si weyn u dhaliilay Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland ee wakhtiga xil hayntiisu ay sii ciririq leedahay, wuxuuna ka hadalay qorshihiisa siyaasadeed iyo waxqabadka uu maagan yahay.

Juxa ayaa mudo 9 bilood ah xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ka soo qabtay Xukuumadda Soomaaliya, waxaana xilka laga qaaday kadib markii ay is fahmi waayeen Raysal Wasaare Kheyre.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.