Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > DAAWO:- Maxaa ka jira in dekedda Berbera sun lagu aasay?

DAAWO:- Maxaa ka jira in dekedda Berbera sun lagu aasay?

Berbera (Madal Furan) – Waxaa soo kordhayey warar sheegaya in sun lagu aasay barxadda dekedda Berbera arrintaasoo si wey looga hadal hayo deegaamadda Somaliland, taasoo uu ka hadlay nin Caaqil ah oo si weyn looga hyaqaan deeegaamada Somaliland.

Maareeyaha Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdulaahi ayaa arrintaas waxba kama jiraan ku tilmaamay, wuxuuna sheegay in sharciga lala tiigsan doono ruuxii hadalada diyaacada ah laga maqlo, wuxuuse qiray in wixii ka horeeyey xiligii uu xilka la wareegay ay dekedda gudaheeda ku gubteen alaaabooyin Kiimiko ah oo Transit ku ahaa dekedda Berbera ayna iska laheyd shirkad uu maamulo nin lagu magacaabo Maxamuud Xasan Qaalib.

Wuxuuna tilmaamay in shirkadaasi ay masuul ka tahay dhibaatadii gaartay dekedda dhowaana la horgeyn doono Maxkamadda..

Halkan ka daawo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *